Calendar

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay ciyaarta Horyaalka Jenyo iyo Elman (SAWIRRO)

This slideshow requires JavaScript.

Mogadishu, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa uu ka qeybgalay cayaarta kubadda cagta ee Horyaalka heerka Koowaad (Seria A).

Booqashadan oo taarikhi ah ayaa ka dhacday garoonka stadiyo Koonis ama Banadir Stadium. Madaxweynaha ayaa wuxuu daawaday cayaar u dhaxeysay kooxaha Elman iyo Jeenyo. Madaxweynaha ayaa gacan qaaday cayaartoyda labada dhinac iyo garsoorayaasha, isla markaasna kubbadda laaday.

“Waan idiin salaamay dhaamaan cayaartoydiina waxaad maanta marqaati ka tihiin horumarka ay Soomaaliya dhawaanahan gaartay.” Labo sano ka hor garoonkan wuxuu saldhig u ahaa Al-Shabaab ayaga oo kasoo abaabuli jiray falalka argagixiso. Maanta waxaa farxad noo ah in garoonka uu kusoo noqday gacmihii iska lahaa una suurta geliyay in dhalinta Soomaaliyeed ay ku cayaaraan cayaarta loogu jecel yahay caalamka oo ah kubadda cagta.

Isboortiga iyo cayaaraha ayaa qeyb ka ah nabadda, horumarka iyo is dhex galka bulshadda. Waxaad hormuud u tihiin Soomaaliyadda cusub” saa waxaa yiri Madaxweynaha” Waxaan idinku sacbinayaa geesinimaddiina iyo howlkarnimadiina. Ummadeena waxey jecel yihiin Kubbadda cagta sida umadaha kale ee caalamka. Waana guul noo soo hoyatay dhamaanteen. Waana ku mahad santihiin in aad ka shaqeyseen arinkan in uu dhaco.

Madaxeynaha ayaa wuxuu ku booriyay Xiiriika Kubadda cagta Soomaaliyeed iyo FIFA, wada shaqeynta ay ka shaqeeyeen dib usoo nooleynta kubadda cagta  Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan ka qeyb gali doono ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika u rajeeyey guul taasoo ah guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

- Dhamaad -

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: