read more »">
Calendar

Qarax kale oo ka kacay Dab-dhaliye Nuclear, dalka Japan (VIDEO)

japanWaxaa qarax kale uu ka kacay dab-dhaliyaha sadexaad ee xarunta nuclear uu dhulgariirku dhaawacay ee Fukushima ee dalka Japan, iyadoo qiiq badan uu cirka isku shareeray.

Xoghayaha golaha wasiirada Japan ayaa sheegay in ay yar tahay qatarta ah in qarax walaxda hydrogen-ka in ay keentay in shucaac uu ka soo dareero xarunta,

Shirkada maamusha xarunta nuclear ee Tokyo Electric power ayaa sheegtay in qaraxu uu wax yeelin konteenarka dab-dhaliyaha, waxaase goor dhow ay sheegeen in sadex qof ay dhaawacmeen iyadoo ilaa 7 qofna ay maqan yihiin.

Hase yeeshee, dadka deganaa meelaha u dhow ayaa loo sheegay in aysan guryahooda ka soo bixin iyadoo taas lagu tilmaami tallaabo digtoonaan ah.

Daawo Qaraxii ugu horeeyay:

Horay, ayaa Ra’iisul wasaaraha Japan, Naoto Kan, ayaa sheegay in xarun khuwadda nuclear-ka ee ku taallay Fukushima, taasoo uu dhaawac ka soo gaaray dhulgariirkii maalintii Jimcaha iyo Tsunami, in uu wali ku sugan yahay xaalad laga digtoonaado.

__

Xigasho: Video-ga: Youtube, BBC SOMALI

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: