Published On: Tue, Dec 11th, 2012

Roberto Mancini: Man City Waa Ay Ka Fiican Tahay Man United, Mario Balotelli-na Iib Ma Ahan.

Share This
Tags


Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegtay in kooxdiisa ay weli ka fiican tahay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, isagoo sidoo kale sheegay inaysan iibin doonin mustaqbalka dhow ciyaaryahan Mario Balotelli.

Mancini iyo ciyaartoydiisa ayaa weli waxaa ku taagan guuldaradii axadii ka soo gaartay deriskooda, waxaana ay lix dhibcood u jiraan kooxda hogaanka u heysa Barclays Premier League.

Si kastaba, Mancini ayaa u sheegay saxaafada Talyaaniga xalayto sida ay qortay Daily Mail inuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay ka fiican tahay kooxda deriskooda ee Man United.

Waxa uu yiri: “United waxa ay leedahay qibrad badan laakiin waxaan heysanaa koox ka fiican kooxdooda, waxaana ciyaarnaa kubad ka fiican kubadooda.”

Mancini ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya weeraryahanka da’da yar Mario Balotelli kaasoo la bedelay daqiiqadii 50aad ciyaartii axada.

Waxaana ay u muuqataa in Mancini uu weli kalsooni ku qabo weeraryahanka reer Italy. Isagoo hadalkiisa raaciyay:

“Waxaan sugeynaa waqtiga uu ogaan doono tayada uu leeyahay. Waana sababta uusan iib u aheyn.”

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. axmed laki says:

    Tababaraha kooxda Man city hadalkiisa waxan u arkaa in uu ku dhiiri gilinayo laacibkaan lagu magacaabo Balotelli eena halka daliskalasoojeedaan

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";