Calendar

Roberto Mancini: Man City Waa Ay Ka Fiican Tahay Man United, Mario Balotelli-na Iib Ma Ahan.


Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegtay in kooxdiisa ay weli ka fiican tahay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, isagoo sidoo kale sheegay inaysan iibin doonin mustaqbalka dhow ciyaaryahan Mario Balotelli.

Mancini iyo ciyaartoydiisa ayaa weli waxaa ku taagan guuldaradii axadii ka soo gaartay deriskooda, waxaana ay lix dhibcood u jiraan kooxda hogaanka u heysa Barclays Premier League.

Si kastaba, Mancini ayaa u sheegay saxaafada Talyaaniga xalayto sida ay qortay Daily Mail inuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay ka fiican tahay kooxda deriskooda ee Man United.

Waxa uu yiri: “United waxa ay leedahay qibrad badan laakiin waxaan heysanaa koox ka fiican kooxdooda, waxaana ciyaarnaa kubad ka fiican kubadooda.”

Mancini ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya weeraryahanka da’da yar Mario Balotelli kaasoo la bedelay daqiiqadii 50aad ciyaartii axada.

Waxaana ay u muuqataa in Mancini uu weli kalsooni ku qabo weeraryahanka reer Italy. Isagoo hadalkiisa raaciyay:

“Waxaan sugeynaa waqtiga uu ogaan doono tayada uu leeyahay. Waana sababta uusan iib u aheyn.”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: