read more »">
Calendar

Shir Kismaayo ka dhici doona

Qaban qaabada shir weyne la filayo inuu la dhaco magalada Kismaayo ayaa si weyn waxa u wada maamulka KMG-ka ee gobolka Jubooyinka.

Shir jaraa’id uu ku qabtey magalada Kismaayo, Gudoomiye-xigeenka maamulka KMG ee magalada Kismaayo ka arimiya Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayuu ku sheegay iney socoto qaban qaabadii ugu danbeysay ee lagu donayo inuu shirka ku dhaco.

Yaasiina yaa xusay in xubnaha la qeyb gali lahaa shirka ee lagu casuumay ay jiraan qeybaha kala duwan ee gobolka si ay wada tashiyo ula soo sameyaa qeybaha kala duwan ee dadweynaha.

Khilaafyo badan ayaa ka dhashey maamul u dhisida goboladda Jubooyinka tan iyo markii magalada Kismaayo ay kooxda Al Shabaab ay ka qabsadeen huwanta ka koobaan ciidamada dowlada oo biratarayaan kuwa AMISOM ee Kenya ka socda iyo jabhadda Raskambooni.

Balse hada, labada dhinac ee dowlada iyo kooxda Raskambooni uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegaya inuu dhamaaday khilaafkii oo labada dhinac ay isku meel wax u wada wadaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: