Calendar

Wadooyinka Ugu Muhiimsan Magaaladda Muqdisho Oo Maalintii 3aad Xeran

Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin wadooyinka.

Xirnaanshaha wadooyinka ayaa waxa ay saameyn weyn waxa ay ku yeesheen howlaha ganacsi iyo waxbarasho ee ka socday magaalada Muqdisho iyadoo dadweyne faro badan ay ku qasabtay in ay guryahooda iska joogaan maadaama aysan lug ku gaari karin goobaha shaqo iyo ganacsi ee ay ka howlgalayeen.

wadooyinka xiran

Xirnaanshaha wadooyinka oo lagu tilmaamay in ay tahay mid lagu sugayo ammaanka  hase ahaatee war ka soo baxay ururka Alshabaab waxa lagu sheegay in ay tahay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho mid lagu curyaaminayo howlaha adeega bulshada ee caasimad dalka.

Illaa iyo hadda lama garanayo mudada ay sii socon doonaan xirnaanshaha wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: