Calendar

Xayaysiimihii ugu fiicnaa Super Bowl 2010-ka (DAAWO)

xayaysiimihii superbowlka
Bartamaha — Ciyaarta kama dambaysta kubadda Football-ka ee laga ciyaaro Maraykanka oo loo yaqaan SUPER BOWL ayaa ah mid dadka Maraykanka ku nool oo dhami ay wada daawadaan. Ciyaartan oo ay isugu soo hareen labada kooxood ee kala ah New Orleans Saints iyo Indianapolis Colts, waxaana guushu ku raacday New Orleans Saints 31 – 17.

Laakiin daawashada ciyaartaan ayaa dad fara badani u hor fariistaan TV-ga si ay uga bogtaan xayaysiimaha laga soo daayo marka ciyaarta la joojiyo, taasoo dhacda marar badan. Xayaysiimaha Super Bowl-ka waa kuwa ugu fiican sanadka oo dhan waxaana shirkadaha iibsada xayaysiimahaas ay bixiyaan lacag gaaraysa 2 Malyan iyo bar iyo ka badan, xayaysiintaas oo socota kaliya .30 ilbiriqsi.

Sanadkan oo aad moodo in xayaysiimuhu ay ka fiicnaayeen kuwii 2009-ka, ayaan waxaan idiin soo xulnay 5tii noogula fiicnaa.

1.The Late Show with David Letterman ayaa soo bandhigay xayaysiin ay dad badani dhaheen ma dhici karto in dadkaani ay wada fariistaan hal meel. Sababtuna waxay tahay David Letterman iyo Jay Leno oo ay colaad hoose oo waayadaan socotay ay ka dhaxaysay. Waxaana dhexda ugu jira Oprah Winfrey oo iyaduna xurguf hoose ay ka dhaxaysay Letterman.

2. Snicker’s “U Ciyaar sidii Betty White” Xayaysiintan ayaa waxaa ku jira aktarada caanka ah ee da’da ah Betty White oo ciyaaraysa Football, waxay noqotay xayaysiintani mid qosol badan maadaama waayeelku uusan ku fiicnayn ciyaartan oo kale

3. Google’s Parisian Love sss Dhab ahaantii lama filayn in xayaysiin ay Google leedahay TV-yada laga arko maadaama Google ay ku sheegtay xayaysiimaha Tv-yada kuwo aan macno badan samaynayn laakiin sanadkan waxay u egtahay in ay fahmeen muhiimadda magacaaga oo laga arko shaashadaha. Xayaysiintan oo maalmahaan oo dhan laga warqabay kadib markii google ay sii sheegeen in qeybta dambe ee ciyaarta ay xayaysiintoodu soo gali doonto. (Bartamaha Adminkuna wuu ka helay xayaysiintan)

4. CareerBuilder.com “Casual Days At The Office” Career Builder ayaa sanad ka qeyb gasha xayaysiimaha Super bowl-ka, sanad walbana waxay la yimaadaan kuwo qosol badan.

5. Cunugga E-Trade: Markii aad is tiraahdo Cunugga E-Trade fikradihii wey ka dhamaadeen ayuu wuxuu wajiga kaaga dhuftaa xayaysiin aad u qosol badan, Sanadkan wuxuu la yimid gabdhihiisa ee ka bogta.

Noo soo sheega kuwaad idinkuna dadweynoow ka hesheen.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: