Calendar

Dagaallo xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

ItoobiyaanDagaallo Khasaaro Geystay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab waxa ay ku dhexmareen Deegaanno Hoostaga Gobolka Bakool.

Goob Joogayaal ku sugan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in Barqanimadii Maanta Dagaal Culus uu ka dhacay Duleedka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ay billaabeen in ay isku fidiyaan deegaanno dhaca Duleedyada Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo ay Al Shabaab gacanta ku hayeen.

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka goobihii uu ka dhacay ay ka saareen kooxda Alshabaab oo horay deegaanadaas gacanta ugu haysay.

Majiraanse warar madaxbannaan oo kasoo baxaya dagaallada maanta ka dhacay gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: