Author Archives: News Editor

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/

Kooxda Alshabaab oo hanjabaad cusub u jeedisay wadamada Kenya iyo Uganda

Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay inay weeraro ka geysaneyso dalalka Uganda iyo Kenya oo horay weeraro ugu qaaday. Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay sababtii shaqada looga joojiyay shirkadii SKA ee maamuli jirtay Ayraboorka

Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababaha keenay in Maamulka Garoonka diyaaradaha ay ka wareejiyaan Shirkada SKA oo muddo saddex sano maamuleyso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Weerar lagu qaaday ciidamada Jubba iyo kuwa Kenya ee Kismaayo ku sugan

Kolanyo ka wadda tirsan ciidamada ammaanka maamulka Jubba iyo ciidama Kenya ee nabad ilaalinta ujooga Kismaayo,ayaa waxaa maantay lala egtay qarax baan baano oo la sheegay inuu yahay noca dhulka lugu aaso. Waxaa la sheegay qaraxaan inuu dhacay xili ciidamadu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo isku raacay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, howl galada Ciidamada xooga dalka ka wadaan gobolada dalka iyo howl galkii Baraawe ay ka fuliyeen Ciidamo Mareykan ah. … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dhalinyaro ka qalinjabisay tartan dhinaca Musiga ah

Hay’adaha CRD iyo DAN GUUD ayaa u soo gabgabeeyay maanta dhallinyaro Soomaaliyeed tababar muusig, kaasoo noqonaya tababarkii ugu horreeyay muddo 30-sano ah la siiyo dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dhallinyarada tababarkan ku guuleysatay ay isugu jireen wiilal iyo gabdho. Xafladda xiritaanka tababarkan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ra’iisul wasaaraha dalka Libya oo la sii daayay kadib markay afduubteen kooxo hubaysan.

Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee dalka Libiya Ali Zeidan ayaa lagu afduubtay Hotel ku yaala Caasimada Tripoli, markii dabley hubeysan ay kala baxeen Hotelka, aroornimadii saakay. War ka soo baxay dowladda Libiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay afduubteen … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dawlada Maraykanka oo ku dhawaaqday inay joojinayso lacagtii ay siin jirtay Militariga Masar

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay qeyb ka mid ah gar gaarkii ay siin jirtay Milateriga Masar, iyadoo tani ay qeyb ka tahay qalalaasaha siyaasadeed iyo rabshadihii ka dhacay dalkaas bishii Agosto, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux. Mareykanka ayaa gar gaar … read more »

Posted in Featured | Leave a comment

Sirdoonka Dalka Kenya ayaa su’aalo waydiiyay madaxda qaar kamid ah hay’adaha isgaarsiinta taasoo la xiriirta weerarkii Westgate

Booliska Kenya ayaa su’aalo weydiiyay madaxda afarta shirkadood Isgaarsiinta Kenya ugu caansan, kadib markii la sheegay in dableydii weerartay Westgate ay isticmaalayeen Taleefano aan la diiwaan gelin. Madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa iska fogeeyay warbixinta Booliska, iyagoo shir jaraa’id ay wada … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Fawziya oo sheegtay inaan ogolaansho looga baahnayn Soomaaliya marka la weerarayo Alshabaab

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Adam ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan tallaabadii Ciidamada Kumandoska Maretkanka ku weerareen guri ku yaal degmada Baraawe, halkaasoo uu degenaa Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab. Fowziyo Yuusuf ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Fanaanka caanka Xusseen shire oo ka tirsan kooxda Qaylo dhaan ayaa xalay bandhig faneed ku qabtay Muqdisho

Bandhig faneed ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil iyo dadweyne ayaa xalay Kooxda Qeylo Dhaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace, iyadoo bandhigan uu heeso uu ka qaaday Fanaanka Xuseen Shire Jaamac oo dhowaan dalka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Faysal Cali Waraabe oo walaac ka muujiyay jiritaanka Somaliland

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa wal wal ka muujiyay nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo in aanu talada gacanta ugu jirin. Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dad aan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Askar ku dhimatay goob lagu shaaho oo qarax lala beegsaday degmada Beledxaawo

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo shaaciyay in deegaanada dhiman la xorayn doono

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la dhameystiray qorshayaal ku wajahan sidii deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab looga saari lahaa, kadib shir shalay muqdisho ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada Milateriga. C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Xaflad lagu xusay sannad guuradii koowaad ee magacaabistii Ra’iisul wasaare Saacid oo ka dhacday Sweden (SAWIRRO)

Xaflad lagu maamuusayey sanadguurada koowaad markii  Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sh. Maxamuud  uu xilka R/wasaaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  u magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee Xarunta Dalka Sweden. … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Burcad badeed Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagay dalka Spain

Ku dhawaad 6 Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay ka soo muuqdeen Maxkamad ku taala dalka Spain. Burcad badeedaan Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah in ay Weerareen Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain Sanadkii 2012, … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo eedayn u jeediyay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in degmooyinka qaar laga soo dhoweeyo Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan gabaad siin Al-Shabaab. “Waxaa jira degmooyin ku yaal Gobolka Banaadir oo laga soo dhoweeyo Al-Shabaab, … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Booliska Kenya oo shaaciyay sawirrada rag Soomaali ah oo loo malaynayo inay ka qaybqaateen weerarkii Westgate

Booliska la dagaalanka Argagixisada ayaa sii daayay sawirada laga qaaday Kaamirada qarsoon ee CCTV, labo ruux oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ka dhacay labo todobaad ka hor. Sawirada ayaa muujinayay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Shir laga falanqaynayo sahaminta shidaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada London

Shir looga hadlayo sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo shirkan uu soconayo muddo saddex cisho ah, isla markaana ay ka qeyb galayaan wasiiro ka tirsan Xukuumada. Shirkan ayaa waxaa soo qaban … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiisha militariga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka, iyadoo kulankan ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka. Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dib u dhis ballaaran oo ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle International Airport  oo dhawaan maamulkiisa lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa waxaa ka socda dib u dhis ballaaran oo lagu samaynayo qaybaha uu ka kooban yahay garoonku. Maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada … read more »

Posted in Featured | Leave a comment