Calendar

Dowlada oo beenisay in la gatay Somali Domain (.SO )

.soBartamaha (Muqdisho):- Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac ayaa maanta saxaafada u sheegay in aan la iibsan furaha Internetka Somalia   (.SO ).

Wasiirka oo saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aan marnaba la gadan Somali Domain (.SO ) balse ay heshiis kula galeen Dowlada Japan in la hirgaliyo mashruuca adeegsiga furaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aanay marnaba Iibsan  Dowlada Furihii Internetka Ee Soomaaliya  Dot so “ .so “ oo uu cadeeyay in ay heshiis uun kula galeen shirkad hirgalinaysa qaabka shaqada Ee furahaasi.

Wasiirkan ayaa sheegay in been abuur ay tahay warar la baahiyay oo sheegaya  gadashada Somali Domain waxaana uu ku sheegay wararkaasi ay yihiin kuwa la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

C/kariin Xasan Jaamac ayaa waxa lagu eedeeyay rag uu isaga ku jiro in ay joogeen goobtii lagui iibsanayay Somali Domain Dot so  “.so” waxaana uu maanta si cad u sheegay in furahaasi uu shaqeynayo.

Wasiirka waxa uu saxaafada u cadeeyay in adeega domainka  .SO laga hirgalinayo oo xafiisyada Dowlada gaar ahaan kuwa Muhiimka ah Email ahaan iyo Website ahaan ay ku shaqeyndoonaan Magaca () .

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: