Masar oo afka ciida loo daray kana hartay koobka confederation ee ka socda koonfur africa

Posted on Jun 25 2009 - 12:49pm by News Desk
Tweet
Pin It

South Africa Egypt US Confed Cup Soccer Bartamaha — Ciyaar layaab leh oo dhexmartay wadamada masar iyo maraykan ayaa waxaa guul lama filaan ah kasoo hoosay dalka maraykanka. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan islamarkaasna ay dad badan sugayeen in ay Masar si fudud Masar uga takhalusay xulka maraykanka ayaan waxay noqotay mid dad badan kayaabisay. Masar oo loo yaqaan brazilshii afrika ayaa malintii axada ahayd waxaay soo bandhigay ciyaar aan tayadeeda loo bogin waxaanaba ciyaarta labada qayboodba sifiican u maamulanayay xulka maraykanka. maraykanka oo ay ciyaarihii lasoo dhafay aad ooga taalay dad badana ay u haysateen in uu saas koobka confederation ooga haray ayaa waxay noqotay in uu u soo baxo semi-finalka. kooxda maraykan ayaa ciyaarta dardar ku bilawday waxayna 15 kii daqiiqo oo u horaysay dhowr goor sigeen shabaqa masar. daqiiqadii 21 ayaa waxaa gool daciifa oo rafaad badani ka dhacay masar ka dhaliyay Davie oo xulka maraykan ooga dheela baalka hore. Haafkii hore ayaa ku soo dhamaaday hal iyo waxba. Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa masar sifiican loo karbaashay waxaana 2 dii gool ee uu maraykanku u baahnaa in uu semi-finalka ugu soo baxo  masar ka kala dhashay ciyaar yahanada kale ah Bradley iyo Dempsey oo labaduba khad dhexe ooga ciyaara naadiga maraykanka. Waxayna ciyaatii xalay ku soo dhamaatay 3-0 oo guushu ku raaday marakanka. Sidaas darteed waxay noqotahy in marakanku goolal ku soo baxo madaaba ay isku dhibco noqdeen masar iyou talyaaniga.

  Maraykanku waxuu arbacada ladheelayaa xulka dalka spain Brazilna waxay iska hor imaan doonaan xulka Koonfur afrika 

posted      by    Barqadle Egal