Xulka kubada cagta ee maraykanka oo markale wacdaro dhigay Koonfur afrika

Posted on Jun 25 2009 - 12:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

140-south_africa_spain_us_confe6embeddedprod_affiliate56Bartamaha — Saadaashu muhiin balse mararka qaarkood qar baa laga ladhacaa. Ciyaartii faraha lays kula tagay ayaa dhexmartay xulalka Spain iyo maraykanka saacad ka hor magaalada BLOEMFONTEIN, ee Koonfur afrika waxaana guul taariikhi ah markale soo hooyay xulka maraykanka. ciyaartan oo ahayd mid taariikhda kubada cagta meel wacan ka gashay ayaa ku soo dhamaatay 2-0. Waxay ahayd markii koobad ee xulka spain laga badiyo 36 labadii ciyaarood ee ay soo dheeleen. Maraykanku waxuu hada fadhiyaa fiinaalka oo uu axada udhicidoo Brazil iyo koonfur africa midkii soo baxa biri. Spain ayaa inta badan ciyaarta sifiican wadatay lakiin ciyaari waxay ka taqaanaa natiijada iyo goolasha lakala dhaliyo. maraykank ayaa goolka hore kaga naxsayday spain daqiiqadii 27 waxaa kubadaas shabaqa ku hubsaday Altidore oo afka hore ooga ciyaar maraykanka. spain oo niyad fiican ku dheelaysay ayaa cadaadis xoogoon saartay balse uma suuroobin in ay kubad dhexdhigto shabaqa US. Maraykaka oo isagu xirtay difaac kii ugu tayada badnaa ayaa markale fursad qaali ah oo weerar celis ah ku helay spain daqiiqadii 74 waxaana shabaqa dhexdhigay goolka caymiska laacibkooda khad dhexe Dempsy. Spaina markaas ayay aragtay in aysan hamaynku hameenkeedii ahayn walaw weerar adag soo qaaday hadana taasi waxba sooma kordhin. Markii ay ciyaartu sii dhamaanaysay ayaa Bradley oo ah wiil uu dhalay tababaraha Kooxda maraykanka ayaa kaarka cas loo taagay taasna waxay ka dhigan tahay in uusan ciyaaraynin axada.
si kastaba arinku ha ahaadee maraykanku waxaa uu labadii ciyaarood ee lasoo dhaafayba muujiyaya ciyaaro mucjisa suuro galin kara in uu koobka confederation hanto.
Posted By Barqadle