Calendar

Munaasabad loo sameeyay Agaasimaha Cusub Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (Daawo)

Agaasimaha_Cusub_Xaf_Raisalwasaaraha_Bartamaha (Muqdisho):- Munaasabad ballaaran oo uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa saaka ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana munaasabadan ka soo qeyb galay Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Agaasimihii hore ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Mudane Suudi Saciid Suudi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta xilka Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu ku wareejiyo walaalkiis Abuukar Daahir Cismaan oo ay muddo 30 sano ah saaxiibo ahaayeen isagoona u hambalyeeyey isla markaana ugu duceeyey inuu Alle la garab galo xilkan loo dhiibay.

Sidoo kale, Agaasimaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay Mr. Suudi, isagoo tilmaamay in Suudi aanu ka bixin xeyn-daabka Dowladda balse loo wareejiyay meel kale oo howsha qaranka uu ka sii wadi doono isagoo ku ammaanay mudadii uu joogay Xafiiska R/wasaaraha inuu wax badan ka qabtay horumarinta, dhismaha iyo kala hufida shaqaalaha Xafiiska.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xil kala wareejinta dhacday isagoo xusay in labada mas’uul ay yihiin rag ay saaxiibo yihiin oo wanaagsan, wuxuuna carabka ku dhiftay in Mudane Suudi ay saxiibo ahaayeen muddo 30 sano ah.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha

Daawo Sawirada:-







Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: