Calendar

Sir Alex Ferguson: Ryan Giggs Sannad Kale Ayuu U Sii Ciyaari Doonaa Manchester United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Ryan Giggs ayaa ku sii negaan doono kooxda sannad kale, sidaasi waxaa xaqiijiyay tababare Sir Alex Ferguson.

Giggs oo kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka u saftay kooxda 1991kii, ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ka soo muuqday xilli ciyaareed kasta oo Premier League ah intii horyaalka Ingariiska magacaas loo bixiyay, laakiin 39 jirkaan ayaa ku dhow inuu soo gabagabeeyo mustaqbalkiisa ciyaareed, waxaana la soo jeedinayay in xilli ciyaareedkan uu yahay kiisii ugu danbeeyay.

Si kastaba, ka dib markii uu ku soo bilowday kulankii ay United xalay 1-0 kaga badisay West Ham ee koobka FA Cup, Sir Alex ayaa shaaca ka qaaday inuu Giggs joogo doono xilli ciyaareedkiisii 24aad ee Old Trafford.

 

Isagoo u hadlayay MUTV, Sir Alex ayaa yiri: “Waxa uu ciyaari doonaa sannad kale. Ma jirto daal ama calaamado tababar darro ah oo ka muuqda ciyaarihiisa, weli tayadiisa waa ay joogtaa, waxaana uu leeyahay isku dheelitirnaan fantastik ah.

“Waxa uu baahi u qabaa ciyaarta, waana nin bani’aadam ah oo aan caadi aheyn.”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: