Calendar

Soomaali badan oo lagu xer-xeray Nairobi

Boqolaal Soomaali ah ayaa ciidamada dowlada ay xireyn iyagoo wali raadinayo dadkii ka danbeyay qaraxyadii ka dhacayay xafadda Islii.

300 oo qof xabsiyadda la geeyay kuwaas oo booliskane ay weedinayaan su’aalo iney xirir la leehyihiin qaraxyadii dhacayay, gaar ahaan midkii masjidka Al hidaya ka dhacay.

Inta la ogyahay 5-qofood ayaa dhimatey, 37 kalane way dhaawacmeen markii bom-ka gacanta laga tuuro lala eegtey afaafka hore ee masjidka Al Hidaaya halkaas uu ku sugnaa Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kama-kunji oo Islii hoos tagto.

Xildhibaanka Yuusuf Xasan Cabdi ayaa kudhaawacmay qaraxa oo wali yaala isbitaalka Aga Khan halkaas oo dhaawacmayada kazoo gaaray lug iyo qeybo kale oo jirkiisa ah laga daawaynayo.

“Xilligan, maa oran karno waxa an haynaa dadkii shakiga rasmiga ahaa laga qabay balse waxa aan daba haynaa cadeymo. Waxa aan diwaan galinay numberada gaariyo ay isticmaalan, waxana ka egaynaa diwaanka KRA cidda gawaaridaas iska leh” ayuu yiri taliyaha booliska Nairobi Ombati.

“Inta badan dadka aanxirney waa ajaaniib aan wawx sharciyo ku joogin wadanka Kenya. Dhamaantooda waxa aan weedinaynaa su’aalo waxana eegaynaa shakiyo laga qabo” ayuu raaciyey taliyaha.

Xildhibaanadda Soomaalida eek u jira baarlamaanka Kenya ayaa dowlada weedisanaya in si dhaqsiyo leh ugu soo gudbiyaan natiijadda baaritaanadda ay samenayaa.

“Waxa aan rajeynaynaa in baaritaano sameyso dowlada ayna kazoo baxaan natijoyin xal u noqon kara arintaan” ayu yiri Mohamed Affey oo kamid ah xildhibaanadda Kenya.

Xildhibaan Aadan Du’aale ayaa sheegay in dhaawaca xildhibaanka Yuusuf Xasan iyo askartiisa ay tahay khatar dhab ah oo jirta.

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: