Calendar

Xaflad lagu soo dhawaynayey Musharax Mahamed Saleebaan oo ka dhacday Minneapolis, Minnesota (DAAWO SAWIRADA)

saleban3
Minneapolis: Xaflad aad u qiima badan oo lagu soo dhawaynayey Musharax Mahamed Saleebaan ayaa waxay ka dhacday Rugta Xafladaha lagu qabto ee Minneapolis, MN waxaa Xafladan iska kaashaday hawsheeda Ururka Ehlusuna Wal Jamaaca oo door weyn ka ciyaarayey qaban qaabada Musharaxa.

Mahamed Saleebaan oo goobtaas ka soo jeediyey Qudbada yididiilo gelisay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay Xaflada Musharaxa isagoo u soo bandhigay qaabka uu u dejin doono Saxda siyaasada Dowlada ku meel gaarka ah hadii uu helo jagada musharxa nimada madax weynaha oo uu 2011 ka u tar tamayo.

Wuxuu balan qaday in uu wax weyn ka badalayo siyaasada dhaafi wayday ruug cadaaga oo qaab cusub oo ah ololaha dhalinyarada uu ku fulindoono dariiqadaha qalafsan ee la dhaafi waayey isagaa la taakulaysanaya ururka uu ka ahaa Gudoomiyaha ee SYL2 oo xubno badani caalamka u dhooban yihiin ahna dhalinyaro maskax furan.

figradahaas oo aad ay uga heleen dadkii madashaas ku sugnaa waxay yididiilo fiican gelisay musharax Mahamed Saleebaan oo weliba aan intaa ku ekayne balan qaday in uu Minneapolis dib ugu soo laabanayo intaanu u baqoolin Safarkiisa Soomaaliya.

Sawirada Kale Halkan Ku Dhifo

___

Bartamaha Minneapolis

Comments

comments

Category : Minnesota, Wararka Maanta.
« »

Comment: