Calendar

Xafladii Farmaajo iyo Saado iyo Amir Camir Ee Oslo Norway Daawo Sawirada

DSC09413DSC09451DSC09482DSC09434DSC09428Xaflad aad looga soo shaqeeyey oo lagu qabtay Maglaadada Oslo ee Wadanka Norway xaladan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Norway waxay ku soo casumeen Sadex qof oo magaca iyo wadaninimo xanbaarsan oo kala ahaa Fanaanda Qaran ee Saado Cali Warsame iyo Farmaajo iyo weliba Artiistaha weyn ee Amiin Caamir.
 
Xafladan oo si fiican loo soo abaabulay waxaa ka soo qayb galay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool wadamada Iskaandaneefiyaanka ugu yaraana waxaa ka soo qayb galay in ka badan 3000 oo qof xitaa waxaa dhacday in dadka qaarkood markay soo daaheen in dib loo celiyey markii goobtii loogu talagalay ay buuxsantay.
 
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyey urur dhalinyaro oo la yiraahdo Daryeel, ula jeedada kulankan wuxuu ahaa in isku duubni Soomaaliyeed la muujiyo in aan jirin wax la yiraahdo 4.5 aya simanyihiin Soomaali oo dhani, iyo mustaqbalka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto lana taageero qofka u ah dan dalka Soomaaliyeed.
 
waxaa ka soo qaybgalay madax ka socota Dowlada Norway oo iyaguna ka muujiyey in ay u hayaan taageero Soomaalida iyo weliba maamulka u ah diyaar iyo daacad in ay gacan qabanayaan, Dadkii ka soo qaybgalay badankoodu waxay noosheegeen in aan shir la mida ah kan oo kale in aanu ka dhicin Norway iyo weliba Iskandaneefiyanka.

DSC09413

 

Sawirada oo Dhan Halkan ka Daawo

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: