read more »">
Calendar

China iyo Somalia oo xusay 50-guuradii Jiritaanka xiriirkooda (Video+Photos)

[slidepress gallery='50-guuro-xiriirka-china-iyo-somalia']Bartamaha (Nairobi):- Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa maanta wada xusay 50-Sano oo lagu joogi jiritaanka Xiriirka Labada Dowladood.

Munaasabad aad u balaaran oo maanta ka dhacday Xarunta Safaarada Shiinaha Ee Magaalada Nairobi ayaa lagu xusay 50-guuradii ka soo wareegtay xiriirka Labada Dowladood.

Munaasabada oo ahayd qada sharaf ayaa waxaa ka hor qadada hadalo wada jiidiyay Masuuliyiinta kala matalayay Soomaaliya iyo Shiinaha waxaana ay is dhaafsadeen sheeko ku aadan taariikhda labada Dowladood iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dhex maray.

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo matalayay Soomaaliya ayaa waxa uu si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka xiriir wanaaga dhex maray China iyo Somalia.

Danjire Cali Ameeriko oo garbihiisa ay ka muuqdeen Wasiiradda Haweenka Dowlada KMG ah Drs.Xaawa Qaasim iyo Xildhibaanada kala ah Prof.Dalxa ,Mowliid Macaani Maxamuud.

DSC_1220 copyAmbassador Cali Ameeriko waxa uu amaanay xiriir wanaaga illaa haatan ay shiinaha la samaynayso dowlada Soomaaliya iyo Bulshada Soomaalida isagoo soo hadal qaaday waxqabadkii ay soomaaliya ka qabteen xiligii Dowladii dhexe jirtay.

Dhanka kale waxaa Munaasabada ka hadlay Safiirka China u jooga Kenya Ambassador Liu Guangyuan oo si aad ah u amaanay Soomaalida waxaana uu cadeeyay in China ay dhowri doonto xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya.

Xiriirka Diblumaasiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa jirsaday 50-sano waxaana uu safiirka Shiinaha cadeeyay in ay weli diyaar u yihiin caawinta Dowlada Soomaaliya.

Safiirka China Ambassador Liu Guangyuan oo bartamaha la hadalayay ayaa soo hadal qaaday in ay diyaar u tahay China taageerida dowlada ku jirta waqtida cakiran ee soo celinta ammaanka.

Munaasabada maanta ayaa ku soo afmeerantay jawi aad u heer sareeya waxaana Masuuliyiinta China iyo Somalia ay wadaageen qada sharaf ay shiinaha ku sameeyeen Xarunta Safaaradooda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : KENYA, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: