Calendar

Wasiirka Arr. Gudd. & Federaalka: Maalmaha soo socda guulo ayaa laga gaari doono Amniga Muqdisho

godah somalia

Muqdisho  -  Wasiirka arrimaha guddaha iyo faderaalka Soomaliya Cabdullahi Goodax Bare, ayaa sheegay in maalmaha soo socada ay dowladu qaadi doonto tallaboyin cusub oo lagu sugayo amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socada Muqdisho laga dareemi doono guulo ballaaran oo laga gaaro amniga magaalada, waxaa uu cadeeyay in ciidamadu ay hawlgalo kasamayn doonaan goobaha looga shakinsan yahay in Al-shabaab ay kasoo abaabulaan amnidarada.

“Xukuumaddu tallaabooyin ammaanka lagu adkeynayo ayay qaadaysaa, waxaana ka mid noqon doona in lala wareego gurigii lagu helo inay Al-shabaab ku farsameeyaan hubka iyo waxyaabaha qarxa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Goodax ayaa intaasi raaciyay in xiligani amniga Muqdisho uu yahay mid wanaagsan, waxaase jiri doono ayuu yiri in ciidamadu ay hawlgalo kasameeyaan meelkasta oo loo baahdo.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo Faderalka Soomaliya, waxa uu imaanayaa xili maalmihii dame uu amniga muqdisho umuuqday mid faraha kasii baxaya.

Malintii shalay ayaa qarax ay Al-shabaab la beegsadeen goob ka ag dhow xarunta Hay’adda nabad sugida waxaa ku geeriyoday dad ay tiradoodu gaarayso 12- qof oo isugu jira shacab iyo sarakil katirsan dowlada.

Masuuliyinta dowlada ayaa dhowr jeer kusoo cel celiyay inay qaadi doonaan tallaboyin ay wax kaga qabanayaan amni darida muqdisho, inkastoo ay muuqanayso inay arrintaasi ka gaabiyeen.

www.bartamaha.com.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: