Calendar

Dowlada Turkiga oo gudaha Soomaliya ku tababari doonta Ciidamo Soomali ah (sawirro)

Muqdisho_ Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horaysay tababaro siin doonto ciidanka dowlada Soomaliya iyaga oo kusugan gudaha dalka, kadib heshiis ay labada dowladood ku kala saxiixden Muqdisho.

Maalintii shalay ayaa waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi kasocda wasaarada Gaashaandhiga dalka Turkiga, waxaana heshiis dhanka militeriga ah la saxiixden taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaliya.

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in saraakiil katirsan dalka Turkiga ay gudaha soomaliya ku tababaraan ciidamada dowlada Soomaliya, oo awal tababaro loogu qaadi jiray dalka dibadisa.

Heshiiska labada dhinac ayaa waxaa ku cad in dowlada Turkigu ay ka samayso soomaliya xeeroyin Milateri oo qaab casriya udhisan kuwaasi oo lagu tababaro ciidamada Soomalida.

Gen. Daahir (Indha qarshe) oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaliya ayaa heshiskaan ku shegay in hadii uu hirgalo waxbadan kabedeli doono tayada ciidamada Soomaliya.

DSC08214 DSC08274 DSC08310 DSC082471

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: