Calendar

Xukuumadda oo soo jeedisay in sanad loogu daro Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxweynaha

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Go’aanka Golaha Wasiirada

farmaajo ra;sMuqdisho, March, 27.2011———Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo loogana dooday Qorshaha Marxaladda kala guurka ah ee uu Dalka marayo.

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha siyaasadda, sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu  wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo August  2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka midka yihiin kuwa hoos ku xusan:-

  • Dhismo Ciidan oo Dhameystiran  lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.
  • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka  ( Mudo Kooban).
  • Dowlad Wanaag.
  • La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
  • Dhameystirka Dastuurka Qabyada.
  • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta  Dawlad Rasmi ah.
  • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista  Shaqooyin Dheeriya.
  • Daryeelka Bulshada  & Gaarsiinta Gargaarka.
  • Dib u Dejinta Barakacayaasha.
  • Dib u Heshiisiin Dhameystiran.
  • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: