Calendar

Madaxweynaha oo Cambaareeyey Weerarkii Baska Mandheera

HASSAN SHEIKH

Muqdisho (BARTAMAHA) Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii shalay lagu dilay 28-qof oo u dhashay dalka Kenya ,kaas ka soo tagay deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari.

Koox dabley ah oo hubeysan ayaa dadkan oo gaarayey 28-qof kala degay gaari bas ah ,waxaana baska saarnaa 60 qof dad ku dhow,sidoo kale dhammaan dadka la layaayey ayaa ahaa masiixiyiin.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ,war Saxaafadeed kasoo baxay afhayeenka Ururka ayaa lagu sheegay in weerarkaas ka danbeeyeen looguna aargudayey dhibaatada dadka muslimiinta ah lagu hayo ee ku dhaqan magaaladda Mombasa iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa uga tacsiyeeyey dilka loo geystay muwaadiniinta reer kenya ee raga iyo dumarka isugu jirayisla markaana waxa uu ku tilmaamay dilka arxan darada ah eeloo geystay mid naxdin leh.

……..”””Falkan wuxuu muujinaya in argagaxisadu aysan dan ah ka lahayn nolosha bani’aadamka, sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay shacabka Kenya iyo kuwa Soomaaliya inay u istaagaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab…..’’’’’ayuu yiri:

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadalkiisa intaas ku daray iney Shacabka dalka Kenya ka taageerayaan dadaalada ay ku doonayaan iney kusoo afjaraan argagaxisada.

Sidoo kale,wuxuu intaas ku daray in Dowladiisu ku taageereyso dowladda Kenya iney baaritaan ku sameeyaan kuwii ka danbeeyey weerarka arxandarada ah kuwa ka danbeeyey .

Si kastaba dadka rakaabka ahaa ayaa u badnaa macalimiin ku socoday magaaladda Nairobi ,waxaana madaxa laga toogtay dhammaantood xili wajiyada dhulka loo dhigay,waana weerar si weyn loo Cambaareeyey.

Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: