Calendar

Al-Shabaab oo Sheegtay xasuuqii Baskii Mandera

MANDERA BUS

Mandheera (BARTAMAHA) Ururka Al-Shabaab ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in uu ka danbeeyey weerarkii saaka lagu qaaday gaari bas ah oo ka baxay magaalada Mandheera laguna laayey dad badan.

Baskaan oo ka baxay Waqooyi bari dalka Kenya ayaa kooxo hubeysan u galeen jidka ayna leexsadeen ,waxayna si arxan darro ah ugu laayeen dad badan oo rakaab ahaa.

War Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Al-Shabaab kuna Saxiixnaa Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa lagu sheegay in weerarkaas ka danbeeyeen looguna aargudayey dhibaatada dadka muslimiinta ah lagu hayo ee ku dhaqan magaaladda Mombasa iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raageayaa sidoo kale ku hanjabay ineysan joojin doonin weerarada isla markaana ay sii wadayaan ilaa inta dhibaatada lagu hayo dadka muslimiinta ah .

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska ee ku sugan Bariga Mandhera Elvis Korir ayaa sheegay in dadka rakaabka ah ay dableydu u kala saareen laba qeybood Soomaaliya iyo kuwa aan ahayn isla markaana bilaabay iney madaxa ka toogtaan.

Sarkaal u hadlay Ururka Laanqeyrta Casa ayaa sheegay isna in weerarkaas lagu laayey 28-qof isla markaana uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Waqooyi bari Kenya.

Kooxdii hubeysnayd ayaa la sheegayaa in nabadgelyo ah uga tageen goobta ,waxaana ka dib goobta lasoo dhoobay Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya ,waxaana falkaan ka dhacay Cumar Jilico kaasoo 30KM kaga beegan deegaanka Mandhera.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: