Calendar

Itoobiya iyo Soomaaliland oo kala saxiixday heshiis hormarineed

Xafiiska Wararka Bartamaha

Somaliland Ethiopia - www.Bartamaha.comHargaysa Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Soomaaliland waxaa heshiis dhinacyo badan ku kala saxiixday dawladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland.

Heshiiskan ayaa intiisa ugu badan waxaa uu khuseeyaa arimaha dhaqaalaha,ganacsiga,korontada iyo hormarinta kaabayaasha kale ee bulshada.

Heshiiskan oo maanta qalinka lagu duugay waxaa labada dhinac u kala saxiixay dhanka Itoobiya wasiirka maaliyadda Sufyaan Axmed halka Soomaalilandna uu u saxiixay wasiirka arimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Wafdigan ka socda dawladda Itoobiya ayaa intii ay ku sugnaayeen Soomaaliland waxaa ay booqdeen magaalada dekaddaa ee Berbera iyo magaalada ganacsiga ee Wajjaale.

Masuuliyiinta labada dhinac oo hadlay ayaa sheegay in hirgalinta heshiiskan si degdeg ah loo bilaabi doono, dhawaanna la qaban doono gudiyo farsamo.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: