Calendar

Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inuu xoojinayo amniga caasimadda

maamulka gobolka banaadirMuqdisho (Bartamaha) Xilli maalmihii u danbeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ku soo badanayeen falalka amni darro oo ay ugu horeeyaan dilal qorshaysan oo loo gaysanayo saraakiisha maamulka ayaa xiligan waxaa biloowday qorshe lagu xoojinayo amniga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu la soo baxayo dardar xooggan oo lagu sugayo ammaanka gobolka Banaadir maalmo gudahoodna la arki doono isbadal muuqda.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda Soomaaliya ay bilaabi doonaan hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan soo badanayay.

Seeko, ayaa carabka ku dhuftay in saraakiisha gobolka,kuwa booliska iy nabad sugidda ay qorshaynayaan hawlgal baaxad leh.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in falalka amni darro ee maalmahan soo badanaya ay qayb ka tahay iyadoo si weyn loogu mashquulay khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha oo muddooyinkan cirka ku shareernaa.

Si kastaba magaalada Muqdisho waxaa 10kii beri ee ugu danbaysay lagu dilay dad isugu jira saraakiisha maamulka gobolka, kuwa nabad sugidda iyo dad rayida, sidoo kale waxaa caasimadda dhaawac xooggan loogu gaystay saxafi.

Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: