Calendar

Shirkii Barnaamijka hiigsiga Cusub 2016 oo Ka Furmay Magaaladda Copenhagen ee Dalka Denmark!!!

Donor conference for Somalia
Copenhagen (BARTAMAHA) Magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark ,waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee hiigsiga cusub ee 2016.

Shirka ayaa cinwaan looga dhigay ”’ SOMALIA’S NEW DEAL COMPACT, HIGH LEVEL PARTNERSHIP FORUM”. ,waxaana ku sugan xubno kala duwan oo kala matala beesha caalamka iyo Soomaalida.

Ujeedada shirka ayaa ah in looga xaajoodo isla markaana looga wadahadlo horumarka ka jira Soomaaliya mana ahan kulankan mid dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya balse waa mid lagu qaadaa dhigayo waxa ka dhaqangalay balanqaadyadii loo sameeyey dalka.

Sidoo kale,waxaa looga hadli doonaa labada maalmood ee u socdo shirku amniga iyo xasiloonida dalka iyo guud ahaan in la eego dhinaca la xisaabta maaliyadda,furfurnaanta iyo Iskaashiga guud ee bulshada Caalamka.

2 dealRaysalwasaaraha dalka Denmark haweeneyda la yiraahdoHelle Thorning-Schmidt oo shirka furtay ayaa hadalo ka jeedisay ,sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa isna ka hadlay shirka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kaga hadlay khudbadiisa Waxqabadka Dowladiisa mudadii sanadka ahayd iyo qorshayaasha ay hiigsaneyso sanadka 2015.

Gollaha Xukuumadda Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa,waxaa kamid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre,Wasiirka Caddaaladda Faarax Shiikh Cabdulqaadir Iyo Wasiirka arrimaha dibada Beyleh.

Dhammaan Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee madasha shirka ka hadlay waxay si guud uga warameen Waxqabadka iyo horumarka ay sameeyeen mudada sanadka ahayd ee ugu danbeysay.

3 dealDowladda Puntland ayaa shirka u dirsatay Xubno maqaan Wasiir ah,waxaana khudabada ay shirka ku lahayd u Jeediyey Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Shirkan ayaa,waxaa goobjoog ah qaar kamid ah dalalka deeqaha siiya Soomaaliya iyo Safiiro tirabadan oo ka socda dalalka qaar,waxaana xusid mudan in Shirku ka maqanyahay dalal uu Maraykanku kamid yahay.

Shirka oo si habsimi leh u furmay ayaa kusoo beegamaya xili khilaaf ba’an uu saameeyey haykalkii dowladnimo iyadoona si weyn loogu loolamayo awooda guud ee dalka.

SAWIRADA

Donor conference for Somalia 2 Donor conference for Somalia 1 Donor conference for Somalia 3 Donor conference for Somalia 4 Donor conference for Somalia 5 Donor conference for Somalia 8 Donor conference for Somalia 9 Donor conference for Somalia 7 Donor conference for Somalia 6 Donor conference for Somalia 10

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: