Calendar

Alshabaab oo Laba dhalinyara ah ku toogatay goob fagaara ah.

dilkaBartamaha (Muqdisho):- Fagaaro ku yaala Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho ayaa Alshabaab ay ku dishay Laba dhalinyara ah oo la soo eedeeyay.

Xukun dilka ah ayaa ka dhacay fagaaro ku yaala Xaafada Suuqa xoolaga ka gadaal markii dadka dagan xaafadaasi loogu yeeray in ay daawadaan dilka lagu fulinayo laba dhalin yara ah oo la soo qabtay.

Labada wiil oo la xukumay ayaa lagu kala magacaabi jiray :- Ismaaciil Xasan iyo C/xaqiib Cali Maxamed oo ay shabaabka ku toogteen goob dad badan ay ku sugnaayeen oo ay dilkaasi daawanayeen.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Ismaaciil Xasan ayaa loo cuskaday in uu ahaa Mid laga xukumayay Fal Jaasuusnimo ah oo uu ku dhaqaaqay sida ay shabaabka saraakiishooda sheegeen.

Wiilka kale ee lagu magacaabayay  C/xaqiib Cali Maxamed ayaa xukunkiisa lagu sababeeyay ka gadaal markii uu fara xumeeyay wiil 9-Sano jir ah sida ay Madaxda xukunkaasi ridaysay ay cadeeyeen.

Goobta dilka uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil badan oo shabaab ah iyo shacab badan oo loogu yeeray in ay yimaadaan Xaafada Suuqa Xoolaha si ay u daawadaan xukunka ku dhacayay Labadaasi dhalinyarada ah.

Ma aha markii ugu horaysay oo xukun nuucan ah shabaabka ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho waxaana xukunada nuucan ah ay joogta ka noqdeen dhammaan dhulka shabaabka ay maamulaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« Previous Post »

Comment: