Calendar

Dowlada Soomaliya oo sheegtay inuusan jirin wax hub ah oo qaab Musuq Maasuq ah uga baxay Gacanta Dowlada

Muqdisho _ Dowlada Soomaliya ayaa iska fogaysay eedayn uga timid Gudiga Cunaqabateynta Hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea, kadib markii warbixin kasoo baxday lagu sheegay in dowlada Somaliya ay hubka ka iibiso ururka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (indho qarshe) ayaa waraysi uu siyay VOA-da waxa uu ku beeniyay eedaynta loo soo jeediyay, waxaana uu cadeeyay inaysan jirin wax hub ah oo si musuq maasuw ah uga baxay gacanta dowlada.

Taliyaha ayaa in taasi ku daray in gudiga daba galka cunaqabateynta hubka ay labo jeer kormeer ku yimaadeen Muqdisho, waxaana uu sheegay inay booqdeen baakharada lagu kaydiyo hubka.

Jen. Indha-Qarshe ayaa sheegay in tan iyo markii la qaaday cunaqabateynta hubka Soomaaliya sanadkii hore ay dowladda labo jeer hub soo iibsatay.

Warbixinta kasoo baxday gudiga daba galka cunaqabateynta hubka ayaa dad badani aaminsan yhiin inay dhaawici karto rajada laga qabay dowlada, waxaana qorshuhu yahay in warbixintaan la horgeeyo gollaha Amaanka.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: