read more »">
Calendar

Maamulka Soomaaliland oo kahadlay masuuliyin katirsan Soomaliya oo lagu Xiray Hargaysa

Hargaysa_ Maamulka Soomaaliland ayaa faah faahin kabixiyay xarig magaalada Hargaysa loogu gaystay saaraakiil katirsan dowlada Federaalka Soomaliya oo kasoo jeeda Maamulkaasi.

Wasiirka arimaha Guddaha maamulka Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa Saxaafada usheegay in saraakishaan ay qaab sharci daro ah kusoo galeen deeganada Soomaalilnad.

Wasiir Waran Cade ayaa xusay inay baaritaano ku wadaan sababta keentay in saraakishani qaab dhuumasho ah kusoo galaan Soomaliland, waxaana uu ku goodiyay inay maxkamadayn doonaan.

Masuliyintan katirsan dowlada Soomaliya ee ku xiran Hargaysa ayaa waxa ay kala yihiin: Jaamac Axmed Jaamac oo ah madaxa Baatrolka dowlada Soomaliya , Fahiima Nuur Nageeye oo katirsan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wsaraha iyo Cabdi Casiis Aadan oo ah Diblumaasi ka tirsan Wasarada Dibada Somaliya.

Dowlada Soomaliya ayaa weli kahadlin xariga Hargaysa loogu gaystay masuuliyintan katirsan dowlada, waxaana ay arintani  imaanaysa xili ay jiraan wadahadalo bilow ah oo u socda Soomaliya iyo Soomaaliland.

 

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: