Calendar

Ku dhowaad 60 Arday Oo Maanta ka Qalin Jabisay Iskuulka RPS Ee Gaalkacyo (Sawirro)

Gaalkacyo _ Xaflad siweyn loosoo agaasimay islamarkaana ay ku qalin jabinayeen arday gaareysa 66 arday oo dhameysatay Koorsooyin kale duwan oo ay ka mid yihiin Caafimaadka.Englishka.Carabic. iyo saxaafada kuwasi oo ka aflax iskuulka RPS ayaa Maanta Lagu qabtay Hoolka Xafladaha ee Iskuulka Sare Cumar Samatar.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyinta waxbarashada gobalka Mudug, Maamulka iyo macaliminta Machada, arday, Waliidiin iyo marti sharaf kale.

Maamulaha iskuula RPS Maxamuud Maxamed Faarax Dayow ayaa sheegay  in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in arday manta qalin jabisay in ay iskuulka aqoontooda ka korar sadaaan maadaama waxbarshada ay tahay gacan ku hayn.

Gudoonka waxbarshada gobolka Mudug Bashiir Axmed Salaad oo isna hadal kooban jeediyay ayaa ku amaanay machadka Ramadan sida wanaagsan ee u u soo saaro arday leh tayo islamarkaana baratay xirfad ay ku shaqaysan karaan mustaqbalka waxaana uu tusaalle u soo qaatay maadaada caafimaadka oo ay ka qalinjabiyen arday fara badan oo hadda ka hawl gasha dhamaan xarumaha xaafimaadka ee gobolka Mudug.

Isku-duwaha wasarada caafimaadka Puntland ee gobolka Mudug  Cabdinasir Shiikh Ibraahim oo qayb ka ahaa martida xaflada ayaa isna dhankiisa ku booriyay dhamaan ardayda ka qalinjabisay machadka Ramadan in ay sii wadaan aqoontooda oo ay ka kororsadaan jaamacadaha ku yaala dalka , isagona ku maanay machadka sida hufan ee u u soo saaro xirfadlayaal ku shaqaysta xirfadooda.

46 57 66 75 85 96 102 118 119 122 216 324

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: