read more »">
Calendar

Ra,iisul Wasaare Cabdiweli oo lagusoo dhoweeyay Dalka Kenya

Nairobi_ Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo beryihii dame booqashoyin ku marayey dalalka dariska la ah Soomaliya ayaa maanta Gaaray Dalka Kenya.

Ra,iisul wasaaraha iyo wafdiga lasocda ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi, waxaana kamid ah dadka soo dhoweeyay masuuliyin katirsan dowlada Kenya.

Caaawa ayaa lafilayaa in Ra,iiusl wasaruhu uu kullan kula qaato magaalada Nairobi Jaaliyada soomaliyed ee kunool dalkaasi, waxaana sidoo kale uu Ra,iisul wasarauhu tegi doona safaarada Soomaliya ee Dalkaasi.

Ra,iisul wasaare Cabdiweli ayaa inta uu joogo dalkaasi waxaa uu lakulmi doona madaxda dalka Kenya, isagoona kala hadli doona xiriirka labada dal sidii loo sii balaarin lahaa.

Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa horay usoo maray wadamada Ethopia iyo Jabuuti, waxaana uu lasoo kulmay madaxda dalalkaasi.

 

 

 

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: