Calendar

Gud. Jawaari Oo Gudi Laba Gole Ah U Saaray Aaska Qaran ee RW C/risaaq X. Xuseen “VIDEO”

Sawirka Gudoomiye Jawaari ee Tacsida Ra'isulwasaare c.risaaq xaaji

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum
C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isulwasaarihii Labaad ee Dalkeenna.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, waxaa isoo gaaray war ku saabsan inuu geeriyooday Mudane
C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
inuu dalka Mareykanka xalay ku geeriyooday,raxmadii jano Alle hasiiyo,
anagana samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo dhammaan shacbiga
Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeeynayaa”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si
kooban uga waramay Taariikhda Allaha u naxariistee Ra’isulwasaare C/risaaq
Xaaji Xuseen waxaana uu yiri “ taariikhda marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen
cid Soomaali ah oo aanay ogeyn ma jirto waxa uu leeyahay taariikh
weyn,waxa uu kaalin mug leh ku lahaa halgankii gobonimodoonka Umadda
Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladnimada,taariikhdiisana waxey tusaale u
tahay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada,xitaa
markii ay dowladdii dhexe bur burtay waxa uu isku dayey in mar walba ay
xal dowladnimo hesho”

Isago hadalkiisa sii wata Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in gudi ka
kooban labada Gole ee Dowladda oo ay kala hormuud u yihiin Gudoomiye ku
xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo
Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane
Ridwaan Xirsi Maxamed u xil saaray Aaska Qaran ee Ra’isulwasaare C/risaaq
Xaaji Xuseen,shacabka Soomaaliyeedna waan usoo sheegi doonnaa halka uu ka
dhacayo iyo waqtiga la aasi doono.

“Ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya Magaceyga,Magaca Gudoonka
Baarlamaanka,Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Magaca Xukuumadda iyo
magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh
uga dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed oo aan leeyahay Alle samir
iyo Iimaan hanaga wada siiyo,Janadii Fardowsana Alle haka waraabiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: