Calendar

Qaramada Midoobay oo si kullul ucambaaraysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

War kasoo baxay gollaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay qaraxii maalintii shalay kadhacay meel ka ag dhow xarunta Hay,adda Sirdoonka dowlada Soomaliya.

Xubnaha gollaha amaanka ayaa sheegay inay dowlada Soomaliya laqayb sanayaan dhibaatada ay Al-shabaab ku hayso dalka, waxaana ay cadeeyeen inay ka xunyihiin weerarada argagaxa leh ee ay Al-shabaab kagaysanayso Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taagerada ay siinayso Soomaliya, iyadoona ballannqaaday inay gacan kagaysanayso taagerada dalalka caalamka ay ufidinayaan dowlada federalka Somaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana inta laxaqiijiyay ku dhintay dad gaaraya ku dhowaad 12- ruux oo ay kujiraan saraakil katirsan Hay,adda Nabadsugida Soomaliya.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: