Calendar

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dib ugusooo laabtay Muqdisho

Muqdisho _ Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib in muddo ah oo uu kumaqnaa dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Madaxweyne Xasan oo lahadlay Saxaafada ayaa sikooban uga waramay safarka uu ugu maqnaa dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in muddadii uu jogaay dalkaasi uu kulamo lasoo qaatay Madaxda Dalkaasi iyoArdayda soomalida ah ee waxkabarta dalka Turkiga.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisu wax muuqada ay uqabsoomeen intii looguda galay sanadka 2014-ka, waxaana uu intaasi raaciyay in qorshaha udegan sanadkaan ay qayb weyn katahay sidii dalka looga sifayn lahaa Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladisa ay qorshaha ugu jirto dhisida guddi ka sheeqaya amaanka dalka, waxaana uu ka codsaday bulshada Soomaliyed inay gacan siiyaan dowladiisa, si ay ugaarto yoolka ay hiigsanayso.

Kahor intuusan madaxweynuhu soo gaarin muqdisho waxaa ciidamo farabadan ladhigay inata udhexaysa garoonka diyaardaha iyo madaxtooyada Soomaliya, waxaana la adkeeyay amaanka magaalada.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: