Calendar

Maamulka Jubba oo sheegay in dowlada Soomaliya ay uga baxday wixii ay ku heshiiyeen

HESHIISKII JUBBA

Bartamaha Kismaayo – Maamulka Jubba ayaa shaaca kaqaaday inuu fashilmay heshiiskii ay kal hore dowlada federaalka Soomaliya kula saxiixdeen Addis-Abba, iyagoona cadeeyay in dowlada Soomaliya fulin wayday qodobadii lagu heshiiyay.

Ibraahim Xasan Cabdi (Ibraahim Baajuun) oo ah wasiirka warfaafinta uqaabilsan maamulka Jubba oo lahadlay BBC-da ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay ka caga jiidayso fulinta qodobadii lagu heshiiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaliya aysan wax taakulo ah kahelin muddadii labada sano ahayd ee ay gacanta ku hayeen maamulka Jubba, isagoona xusay in gaabis uu kajiro dhanka dowlada.

Wasiirka ayaa lawaydiiyay waxa iska bedelay heshiiskii ahaa in muddo 6-bilood kadib ay dowlada ku wareejiyaan Airopor-ka iyo Dekedda Kismaayo, ayuu ku jwaabay in heshiisku uusan ahayn ayaad quraan ah ama xadiis.

“Heshiiska sideeda aayad quraan ma ahan ama xadiis, bani’aadam ayaa sameeya waa la diidi karaa qodobo waa laga bedeli karaa, dowladda Soomaaliya wax ma noo qaban, hal taakuleyn nama siin, Jubooyinka Soomaali ka tirsan tahay, aaway Hargeysa, aaway Boosaaso, Galmudug aaway, ayaga Air Porkooda iyo Dekedooda is ka leh, si madax banaan ayay u maamushaan, sababta noola dhahayo soo wareejiya anaga waxaa u aragnaa wax kale”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba.

Muddoyinkii dame ayaa lahadlayay in maamulka Jubba uu wareejinayo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaase muuqanaysa in xiligani maamulka Jubba uusan diyaar u ahayn inuu wareejiyo Garoonka iyo Dekedda Kismaayo.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Top News, Wararka Maanta.
« »

Comment: