Calendar

Galmudug iyo Ahlu-suna oo heshiiyay [WARQADO]

Sida ka muuqato heshiis ay labada dhinac galeen, Ahlu Suna iyo maamulka Galmudug ayaa dhisi doona maamul goboleed  laga hirgaliyo goboladda dhexe ee Soomaaliya.

Wada hadalo ayaa labada dhinac muddo uga socday maggalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo uga arin sanayeen sidii ay labada dhinac  ay u dhisilahayeen maamul wada jir ah.

Waxa ay Ahlu Suna iyo Galmudug isku afgarteen ineey sameyaan guddiyo isla markaane ay kasoo baaran dagaan sidii uuku dhici lahaa shir weyne maamulkaasi lagu dhisayo.

Galmudug ayaa ah maamul goboleed, ka jira qeybo kamid ah gobolka Mudug halka ay Ahlu Suna ka arimo deegaamo badan oo goboladda Galgaduud iyo Hiiraan ah.

Heshiiska  ayaa labada dhinac waxa u kala saxiixay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo guddoomiyaha maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: