Calendar

Ciidamada Kenya oo kabaxay goobo muhiim ah oo ku yaala Kismaayo

Kismaayo_ Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka J/hoose ayaa laga dareemaya dhaq dhaqaaq ay ciidamada Kenya ku banaynayaan magaalada, oo ay kusugnaayen muddoyinki lasoo dhafay.

Meelaha ugu muuhimsan ee ay kabaxeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo dulideedka magaalada, waxaana goobahani lagayn doono ciidamo kasocda Sierra Leone.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inay ku wajahan yihiin gobalka Gado oo deegaano katirsani maamulaan Al-shabaab, inkastoo ay jiri doonaan ciidamo aan badnayn oo baaqi ku ahaan doona Kismaayo.

Arintaan ayaa imaanaysa kadib markii amar kasoo baxay Midowga Afrika loogu wargeliyay in ciidamada Kenya ay faarujiyaan Magaalada Kismaayo oo ay ka qabsadeen al-shabaab bishii October ee sanadkii 2012.

Dowlada Soomaliya ayaa horay uga dalbatay Midowga Afrika in laga saaro Kismaayo ciidamada Kenya laguna bedelo ciidamo isku jir ah oo ku hawlgala AMISOM.

Shacabka iyo maamulka Jubba ayaa iyagu horay ucodsaday in ciidamada Kenya ay kusii sugnaadaan Kismaayo, waxaana dibad baxyo lagu taagerayo ay ka dhaceen deegaano kamid ah maamulka Jubbalnd.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Kismaayo.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: