Calendar

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo markii ugu horeeyay shir guddoomiyay kullanka gollaha Wasiirada (sawirro)

Garowe _ Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay shir guddomiyay kullanka todobaalaha ah ee gollaha wasiirada cusub.

Shirka ayaa ugu horayn warximo khuseeya qaabka ay ula wareegen xilka wasaradaha looga dhegaystay wasiirada cusub, waxaana lagusoo qaaday shirka siyaasada ay ku shaqaynayso xukuumada Cusub.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka kadib lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukumadisu ay ka dhabayn doonto isbedelkii uu horay ubalan qaaday.

Madaxweyne Cabdweli Gaas ayaa cadeeyay in xukuumdisa cusub markii ugu horaystay ay ku guulaysatay inay bixiso mushaharadka Ciidamada iyo shaqaalaha kae ee dowlada bishii Janaayo.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhinaca kale sheegay inay jiraan hanti ay dowladu leedahay oo gaadiid ubadan kuwaasi oo gacanta ugu jira shakhsiyaad gaara, waxaana uu ka codsaday in si deg deg ay usoo wareejiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu fursad siin doono bulshada Puntland maalin kasta oo khamiis ah  si uu uga dhegaysto wixii dhaliila oo ay uhayaan xukuumada.

IMG_0557-450x342 IMG_0560-450x342 IMG_0569-450x342 IMG_0583-450x342 IMG_0588-450x342 IMG_0592-450x342 IMG_0594-450x342 IMG_0597-450x342 IMG_0599-450x342

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: