Calendar

Madaxweynaha Uganda oo canaantay ciidankiisa kadib fadeexadii musuqmaasuqa ahayd

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa aad uga xumaaday wararka lagu sheegayay in ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ay musuqmaasuq ku kaceen.

Maalinta xornimada dalka Uganda ee toddobaadkii hore laga xusay dalka Uganda ayuu Museveni waxaa uu kula kulmay xero ciidan oo ku taal

Museveni ayaa ogaaday in xitaa heerka musuqmaasuqa ciidamadiisu ay gaartay in sarkaal ka mid ah ciidamadiisa laga helay sariirta uu ku seexdo hoosteeda lacag caddaan ah oo gaareysa $50,000.
Jariirada Observer ayaa waxa ay ogaatay in xafladii maalinta xornimada ee Uganda ee ka dhacday Rukungiri kadib uu madaxweyne Museveni tegey dugsi lagu tababaro ciidamada ee ku yaal Singo degmada Nakaseke halkaas oo uu kula kulmay ciidamo dhowaan ka soo laabtay dalka Soomaaliya.

Museveni ayaa ka codsaday saraakiisha ciidamada in ay dibada u baxaan oo uu la hadlo ciidamada aan wax derejo ah lahayn oo kaliya. Kadib markii ay askartii derejooyinka lahaa ka baxeen ayuu Museveni weydiistay askarta in ay si xor ah oo aan cabsi lahayn u hadlaan.

Askari kasta oo farta taagay ayaa hadlay isagoo marka hore sheegayay magaciisa iyo lambarkiisa taasoo kalkaaliyaasha Museveni ay qorayeen isla markaana wax kasta oo uu sheego askariga ay duubayeen.

Kulanka ayaa sida ay wararku sheegayaan askartu waxa ay shaaca ka qaadeen in musuqaasuq badan uu ka dhex jiro saraakiisha UPDF,waxayna askartu sheegeen in ay cuni jireen hal mar maalintii oo dhan.
Waxay sidoo kale sheegeen in cuntada qalalan ee la siiyay aysan toddobaad gaari jirin,waxayna sheegeen ciidamadan in niyad ahaan ay hoos u dhigtay sidii ay ula dagaalami lahaayeen ururka Alshabaab.

Sidoo kale waxaa loo sheegay madaxweyne Museveni in saraakiisha sarsare ee ciidamada ay la heshiin jireen dalaalliin, waxaana sidoo kale loo sheegay in kabtan ka mid ah ciidamada Uganda laga helay sariirtiisa laabkeeda lacag dhan $50,000.

Afhayeenka ciidamada Uganda Lt Col Paddy Ankunda oo wax laga weydiiyay kulankan ayaa xaqiijiyay in uu dhacay balse waxa uu sheegay in Museveni uu ula kulmay ciidamadan in uu ku soo dhoweeyo dalkooda una mahadceliyo doorkii ay ka qaateen Soomaaliya.

“Haa, madaxweynaha waxa uu amray taliyaasha in ay bannaanka ka joogaan kulanka, waxa uu la kulmay madaxweynaha marka hore askarta caadiga ah markii dambana taliyaasha ayuu la kulmay,”ayuu yiri Ankunda.

Ankunda ayaa intaa ku daray in madaxweynaha ay aad u xanuujisay eedeynta ah in taliyaasha ay musuqmaasuqaan askartooda. Hase ahaatee Ankuda ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa ka soo baxay kulanka. “Waxa ay noqonaysaa warsuuqeed haddii aan kuu sheego wixii ka soo baxay kulan aanan ka qeybgalin oo aan goobjoog ka ahayn,” ayuu yiri. Hase ahaatee warar ayaa sheegayay in Ankunda uu ka qeybgalay kulankaas.

“Dadka cadaanka ah waxa ay ii sheegen in ciidamadeena ay wanaagsan yihiin balse ay yihiin tuugo. Ma doonayo tuugo. Ma doonayo tuugo ku dhex jirta ciidanka,taliye kasta oo lagu helo musuqmaasuq waa la eryi doonaa.”

Ciidamada Uganda ayaa waxa ay yihiin ciidamada ugu badan ee ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: