Calendar

Musharax cusub oo u ordaya madaxweynaha Soomaaliya oo shaaca ka qaaday ololihiisa doorashada (VIDEO/SAWIRO)

001 posterka
Bartamaha (Columbus, Ohio) Waxaa magaalada Columbus ee gobolka Ohaayo ka dhacday xaflada shaaca looga qaadayay Musharax Maxamed Saleebaan oo usoo istaagay inuu u ordo  jagada madaxweyne ee dalka Soomaaliya, doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonta sanadkan dhamaadkiisa, waa sida la qiyaasayo.

Xafladdan oo si ballaaran ay dadka reer Columbus ugu riyaaqeen ayaa waxaa kasoo qeybgalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Ohio iyo waliba Soomaali badan oo uga timid xafladdan gobolada Maraykanka.

Maxamed Saleebaan ayaa sheegay in sababta uu maanta usoo istaagay inuu madaxweynenimo u ordo ay tahay in loo baahan yahay xal cusub oo ka duwan kan maanta ay dowladda Shiikh Shariif ku jirto. Maxamed ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisu ay ku dhisnaan doonto nabad iyo Soomaali jacayl, mana doonayo ayuu yiri inaan qori caaradiis wax ku raadiyo, balse ayuu yiri waxaan rabaa inaan kacdoon nabadeed iyo inaan dib usoo celiyo is jacaylkii Soomaalida dhexdeeda, adduunkana in sharaftii ay lahaayeen muwadiniinta Soomaalida aan dib usoo nooleeyo.

Ugu danbayntii ayaa Maxamed wuxuu u sheegay Soomaalidii kasoo qeyb gashay xafladdan inuu ka doonayo Soomaali weyn inay ku taageeraan kartidiisa aysana ku taageerin qabiilkiisa iyo waxyaabo kale oo aan loo baahnayn.

Hoos ka daawo Maxamed Saleebaan oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu u ordo kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Dadweynihii xafladda kasoo qeybgalay ayaa iyaguna fikradooda ka dhiibtay sababta ay ku taageersan yihiin Maxamed Saleebaan.

Daawo

Sawiradii xafladda:

[slidepress gallery='maxamed-saleebaan']

Comments

comments

Category : First Look, Ohio, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: