read more »">
Calendar

Ururka Al-shabaab oo shaaca ka qaaday inay weeraro kale kagaysan rabaan Muqdisho

Muqdisho_ Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay in kudhowaad 10 sarkaal oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaliya ay ku dileen qaraxii malintii shalay ay labeegsadeen meel ku dhow xarunta Hay’adda nabad sugida.

Wakiilka Al-shabaab uqaabilsan gobalka Banaadir ayaa usheegay idacaad ku hadasha Afka Al-shabaab in qaraxii shalay uu ahaa mid ay ku beegsanayeen jawaasiista dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaal kaan katirsan Al-shabaab ayaa cadeeyay inay qorshaynayaan sidii ay weeraro kale uga gaysan lahaayeen xarumaha dowlada ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan goobaha xarumaha u ah dowlada Soomaliya, isagoona intaasi raaciyay in ciidamada dowlada ay kusoo biiraan hadii ay doonayaan inay ka badbaadan weerarada ay maleegayaan.

Qaraxii maalintii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay waxaa kujiray dad shacab ah.

Dowlada Soomaliya ayaa weli muuqan wax talaabo ah oo ay kaqaaday weerarada ay Al-shabaab kagaysanayso magaalada Muqdisho, waxase masuuliyinta dowlada horay usheegen inay qorshaynayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay dalka kaga cirib tirayaan.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: