Calendar

Madaxweyne Xasan oo shir ay Al-baabadu uxiran yihiin muqdisho kula leh laamaha amniga

Muqdisho _ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa laamaha amaanka ee Muqdisho shir kula leh xarunta Booliska ee Commando Polizio, waxana uu shirku yahay mid ay saxaafadu dibad joog katahay.

Inkastoo aan sitoosa looga war hayan waxa looga hadlayo shirka hadana waxaa la aaminsan yahay in lagu lafa gurayo arrimaha amniga ee Muqdisho, gaar ahaana dhacdooyinki amni xumo ee dhowaan kadhacay Muqdisho.

Warar hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya in madax weynuhu uu ku canaanayo Mauuliyinta laamaha amniga, qaraxyadii iyo madaafiicdii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socaday muddo ku siman hal saac ayaa waxaa madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Amniga C/kariin Guuleed, Taliyaha Ciidanka Booliska c/xakiin Daahir Saacid iyo laamaha kale ee amniga muqdisho.

Dhowanahaan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay wajahaysay falal amniga lidi ku ah, waxaana todbadkan magaalada ka dhacay weeraro madaafiic ah oo xiliyadii habeenkii ah, iyo qaraxyo lala eegtay madax katirsan dowlada iyo masuuliyinta QM.

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: