Calendar

Ra’isal Wasaaraha oo Masuuliyiin Qm Ka tirsan kula Kulmay Muqdisho

Kadib Kulaan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay U qaabilsan Siyaasadda ayaa waxa ay kaga wada hadleen sida dowladda Soomaaliya ay Taageero Buuxda kaga heli lahayd Jimciyadda Quruumaha Midoobay.

Kulanka ay Maanta wada qaateen Cabdi faarax Shirdoon Saacid iyo kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Xagga Siyaasadda  Jeffery Feltman ayaa waxaa Kulankooda ku wehliyay qaar Ka mid Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Difaaca,Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasiirka Garsoorka iyo Sidoo kale Ergayga Gaarka qaramada Midoobay U qaabilsan Soomaaliya Agustin Mahiga.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon iyo madaxa wafdiga Q.M hogaaminayay Mr Feltman .

R/wasaarah ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka siyaasadeed oo ay damacsantahay xukuumadda Soomaaliya iyo kaalinta ay Q.M ka qaadan karto caawinta Soomaaliya.

Sidoo kale Kaaliyaha xoghayah guud ee Q.M u aqaabilsan siyaasadda Mr Feltman ayaa xusay in kulankan uu daba joogo kulankii uu dhawaan Addis ababa kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh  xog’hayaha Q.M Banki muun.

Ugu dambeyn  Mr Feltman ayaa sheegay in kulankaani uu yahay mid daba socda kulan ay Adis Ababa ku wada qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ban-ki Moon.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: