Calendar

Kulankii Baarlamaanka oo soo xirmay kaddib buuq iyo sawaxan hareeyay

BAARLAMAANKA - Bartamaha

Muqdisho (Bartamaha) Waxaa goor dhawayd soo xirmay fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ay maanta lahaayeen,kaddib buuq iyo sawaxan hareeyay furitaankiisii.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa mid lugu doonayay in looga doodo mooshin ka dhan ah ra’iisal wasaahara.

Mooshinka oo ay dhawaan soo gudbiyeen xubno ka tirsan baarlamaankanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida qorshuhu ahaa inay xildhibaannadu u qaadan  xukuumadda Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa labo mar isku dayay inuu furo fadhiga,balse xildhibaannada ayaa ku buuqay gaar ahaana kuwa ka soo horjeeda mooshinka.

“Aan is dhageysano, aan is dhageysano, is dejiya xildhibaanayaal, ama qeyliya ama buuqa shirka waa fureynaa, fariista buuga xaadirinta saxiixa”ayuu yiri guddoomiye Jawaari ka hor inta uusan fadhiga soo xirmin.

Jawaari ayaa goor dhaw ku dhawaaqay  guddoonka baarlamaanka inay go’aamiyeen fadhiga inuu xirmo.

Waxuu sheegay in tallaabo laga qaadayo xildhibaannada buuqa sababta u ahayd,isagoona sheegay inta laga gaarayo kulanka fadhigan xiga inuu xiran yahay.

“Fadhiga waa noo xiran yahay inta fadhiga xiga laga gaarayo, inta maanta sameysan buuqan tallaabo ayaa ka qaadeynaa”ayuu yiri Prof. jawaari.

Buuqan ayaa saaka abaarihii 9-kii subaxnimo billowday, markii mudanayaasha baarlamaanka ay soo xaadireen xarunta golaha shacabka, waxaana xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha ay diidanayeen in la qeybiyo mooshinka, isla markaana uu Gudoonka ku dhawaaqo inuu mooshin yaalo Baarlamaanka.

Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ayaa goor sii horeysay la wareegay buugii xaadirinta Xildhibaanada iyo waraaqihii ajandayaasha, iyagoo watay qoraalo ay ku qornaayeen in aan cod lagu bedelin lacag (No Vote Fo Cash).

Xildhibaanadan ayaa qorshahooda ahaa inaan ajandaha mooshinka lagu soo darin, iyadoo aan wax gacan ka hadal ahi dhicin.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka,waxaana xildhibaanno badan ay ka soo horjeedan in mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: