Calendar

R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maanta Degmada Dooloow tababar ugu soo xiray ciidamo ka amar qaata dowladda kmg ee soomaaliya

fiqi3 Wasiirka gaashandhigga ahne r/wasaare ku xigeenka xukuumada kmg ee soomaaliya ayaa maanta Tababar u soo xiray askar kor u dhaafesa kun askari kuwaaso muddo laba bilood ahtababar ugu Socday halkaasi

Tababarkaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda waxaana Wasiirka Gaashaandhigga oo halkaasi  hadal kooban ka jeediyay ayaa  kula Dardaarmay ciidamada  tababarka loo soo xeray in aqoonta ciidan ee la baray ay u adeegsadaan Sidii dalka looga xoreeyn lahaa ururka al shabaab isagoo Wasiirku sheegay in Dowladdu ay bixin Doonto xuquuqda ciidankaasi   

Ciidamadani tababarka loo soo xeray ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada Dowladda Ethiopia la Doonayo in ay ka saraan ururka al shabaab  Gobollada Baay iyo Bakool,iyadoo ciidamada  ay hore Ugu guuleeysteen in ururka Shabaab ay ka saraan qeybo badan oo ka mid ah Gobollada Gedo, iyo Jubbada hoose.kal hore aye halkaas dagaal kula galeen ciidanka shabaab.

Ugu danbeentii taba barkaan maanta loo soo xeray inka badan kunka askari ayaa waxa ay ku soo Adeysaa xili qeybo badan ciidamada dowladda gabalada dalka lugu diyaarshay si ay ula Dagalamaan shabaab waxana kamid ah gobaladaas hiiraan .bay.bakool iyo gado iyo jubada hoose.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: