Calendar

Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Ku Guuleystay Doorashada Xilka Gudoomiyaha Barlamaanka

shariif xasanGudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Xaaji Shukri   ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku guuleystay Xilka Gudoomiyaha  Barlamaanka Dowlada Soomaaliya

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Hardankii maanta ku guuleystay ka dib markii ay tanaasuleyn Musharxiintii kale ee kula tartameysay Xilka Gudoomianimo Ee Barlamaanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Cusub Ee Barlamaanka Shariif xasan ayaa helay codad dhan 217cod,iyadoona ay u codeeyeen 380 xildhibaan oo ka qayb galay cod baxintii maanta ka dhacday Guriga Umada,waxaana kaalinta 2-aad galay Cabdi Xaashi oo helay 143 cod,isagoona ka tanaasulay wareega 2-aad.

Xildhibaan Shariif Xasan oo ay la tartamayeen 4 Xildhibaan oo kale ayaa wuxuu doorashada ku guuleystay isla wareeggii koowaad, waxayna tartamayaasha u kala heleen codadka sidan soo socota:

Shariif Xasan Shiikh Aadan             217
Cabdi Xaashi C/llaahi                      143
Cabdi Kaafi Macaallin Xasan         012
Axmed C/llaahi Fanax                     010
C/llaahi Shiikh Ismaaciil                  004

Ka dib markii uu Gdoomiyaha Gudiga Barlamaanka uu ku dhawaaqay in Shariif xasan uu yahay Gudoomiyaha cusub ee Baralamaaka ayaa waxaa hal mar is badaly dareenka goobta Golaha Shacabka oo ay maanta aheyd mid aad u camiran marka la bar bardhigo kal fadhiyadii hore ee xarunta ku yeesheyn Xubnaha Barlamaanka.

Gudoomiyaha Cusub Barlamaanka ayaa durba waxaa loo dhaariyay xilka cusub,isagoona ku fariistay Kursiga Gudoominaimo Ee Barlamaanka Soomaaliyed.

Si kastaba ma ahan markii ugu horeysay ee Shariif xasan uu qabto Xilka Gudoomiyanimo Ee Barlamaanka Soomaliyed,isagoona horay sanadkii 2004 u noqday Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Dalka Kenya

Xafiiska Bartamaha Muqdisho

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: