read more »">
Calendar

Somaliland oo xabsiga u taxaabtay wadaad taageeray weerarkii Westgate

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay xiray Hogaamiyihii Urur diimeed horay maamulka u mamnuucay oo lagu magacaabayay Xisbullah, kaasoo wareysi uu siiyay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ku taageeray weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Suuqa Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa gurigiisa oo ku yaal Hargeysa kala baxay Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle oo ah Hogaamiyaha Xisbullah oo ahaa urur diimeed ay horay u mamnuucday Somaliland.  Booliska ayaa baaritaan ku sameeyay guriga wadaadka, iyagoo su’aalo ku weydiinaya xarunta dambi baarista, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ammaanka oo ku saabsan xarigiisa.

Sheekh Geelle ayaa si aan leex leexad laheyn u taageeray weerarkii Westgate ee todobaadkii hore ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaasoo xarunta gudaheeda ku dilay dad ka badan lixdan ruux.

Waxaa uu sheegay in Shabaab weerarkaas ay ku saxsan yihiin, isla markaana lagu soo duulay, waxaana uu xusay om taako ka mid ah dhulkaada hadii la soo galo ama duulaan lagu soo qaado uu Jihaadka xaq yahay.  Culimada Soomaaliyeed ayaa ah kuwo ku kala aragti duwan weerarkii Westgate, waxaana maalmahan warbaahinta qabsaday Culimada ugu caansan Soomaalida oo qaarna ka soo horjeestay, qaarna taageeray howl galkii Westgate Mall.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: