Calendar

Soomaali badan oo ku dhintay Libya

libyaIyadoo ay sii kordhayaan muhaajiriinta ka soo qaxaysa dalka Libya ee ku soo jeeda xeebaha Talyaaniga ayaa shalay oo dhan waxaa BBC-da soo gaarayey warar sheegayey in doon ay ka buuxaan qaxooti lagu qiyaasay 700 oo qof, oo ku dhawaad saddex boqol ay ahayeen Soomaali ay ku burburtay oo ku degtay xeeb ka mid ah xeebaha dalka Libya oo ay ku nafwaayeen qaar ka mid ah Soomaalidii saarneyd doonta.

Si aan wax uga ogaanno wararka la xiriira masiibada ka dhacday badda Libya, ayaa weriyaha bbc ee magaalada Roma, Aden Sabrie, waxaa uu telefoon kula xiriiray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, Cabdiqani Maxamed Waceys. Waxaana uu sheegay in ugu yaraan 16 Soomaali ah ay ku dhinteen doonni ku degtay xeebta Libya kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin carruur, saddexna haween iyo toban rag ah iyadoo ku dhowaad 50 kalana la waayay geeri iyo nolol midnaba.

__

BBC Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: