Calendar

Tarsan oo digniin culus u jeediyay odayaasha dhaqanka ee Soomaalida

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay Odayaasha dhaqanka inay Ergay u noqdaan raga loo xiray tuhun Shabaab ama uu ka tirsan yahay.

Tarsan ayaa sheegay inay jiraan Odayaal qaar oo ka daba carara dadka lagu haayo falal dambiyeedyada ee ka tirsan Shabaab.

“Odayaal ayaa jira oo ka ergeeya dadka xiran ee Shabaabka ah, war kuwaas dhiigaada baneysteen Murtadnimo ayay ku heystaan ee haka ergeynina, hadhow ha dhihina owliyo ahaa masaajid ku jiray”ayuu si kulul u yiri Tarsan.

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in qof isaga qaraabo ahaan ugu dhowaa oo Shabaab ahaan loo xiray uu arrintiis ugu yimid Nin Oday ah, isla markaana uu u sheegay in aanu kiiskaas geli karin ilaa nabadsugida ka cadeyso.

“Nin aniga ehel ahaan igu dhow ayaa la igu yimid, markaasaa la ii yiri ninkaas arrintiisa gal, waxaa ka iri ilaa ay arrintaas ka cadaneyso Nabadsugida aan ka war sugno, War shabaab wiilkaaga jaamacada u socda ayay dilayaan, miino ayay u dhigayaan ilmahaaga ee yaan laga ergeynin”ayuu yiri.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga digay dadka guryaha ka dhisanaya Xeebta Liido in aanay hantidooda ku lumin, isagoo sheegay in aan la dhisan karin wixii laamiga ka xiga badda.

“Dadka dhisanaya laamiga wixii badda ka xiga ee guryaha ka dhisanaya ka jooga lacagtiina yey idinka qasaarin”ayuu yiri Tarsan oo intaa ku daray in Maamulkiisa wareegto ka soo baxday lagu mamnuucay in Engineer aan ruqsad ka heysan Maamulkiisa uusan guri dhisi karin.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ku eedeeya qeybaha bulshada in aanay wax xil ah iska saarin sugida ammaanka, isagoo dhowaanahay aad u garaacayay odayaasha dhaqanka Koofurta Soomaaliya ka soo jeeda.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: