Calendar

WAR DEG DEG AH: Al Shabaab oo Sheegatey Dilkii Wasirkii Amniga Cumar Xaashi

Bartamaha — Ururka Al Shabaab ayaa sheegtey inay ka dambeeyeen qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ku dhinteen masuuliyiin ka tirsaneyd DKMG.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab oo telefoon kula  telefishanka Al Jazeera ee afka carabiga ku hadla ayaa sheegay in ay iyagu qorsheeyeen qaraxa maanta ka dhacay Beledweyne, ayna ula dan lahaayeen wax uu ku tilmaamay dad cadow ah.

Qaraxa ka dhacay Beledweyne waxa ku dhintey wasiirkii amniga qaranka DKMG Col Cumar Xaashi Aadan, safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyey Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo iyo sarkaalkii ugu sareeyey booliska gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatey qaraxa guud ahaan maanta ka dhacay Beledweyne, waxaana ku dhaawacmay tiro ku dhow 20 ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintey ay ku jiraan odayaal dhaqameed reer Hiiraan ah oo ku sugnaa hotelka uu qaraxu ka dhacay oo xilligaas lagu soo gabagabeeyey kulan meesha ka socdey.

Xaalada Beledweyne ayaa haatan kacsan, waxaana aad loo adkeeyey amaanka, iyadoo goor dhoweydna saraakiisha amaanka ay bandow ku soo rogeen magaalada.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: