Calendar

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhegeystay Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo isagu golaha u faah faahiyay safarkiisii magaalooyinka Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka warbixin looga dhagaystay gudiga qaban qaabada shirka wadatashiga ee dhowaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho oo iyagu mudooyinkanba waday qaban qaabada shirka waxaana ay warbixintooda ku faah faahiyeen halka ay qaban qaabadooda mareyso iyo xubnaha shirka kasoo qeybgalaya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaah-weyn oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in xubnaha gudiga qaban qaabada Shirka Wadatashiga ee Afarta ilaa Lixda bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho ay soo gudbiyeen in meel wanaagsan ay wax umarayaan islamarkaana ergadii shirka loo qorsheeyey inay kasoo qeybgalaan ay diyaar yihiin.

Wasiirka Warfaafinta ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in inta shirku socday sidoo kale warbixinno laga dhagaystay gudiyada Amniga iyo Gargaarka Bani’aadannimo oo iyagu ka kala warbixiyey halka ay marayaan howlaha la xiriira Sugidda Amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan ay howlgallo ka socdaan iyo howsha la xiriirta gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo Barakacay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Mudane Jaah-weyn ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xubnaha golaha Wasiirada ay si gaar ah uga doodeen hubka sida sharcidarada ah loogu dhex iibiyo qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay in laga bilaabo maanta la mamnuucay in hub lagu dhex iibiyo magaalada isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko iyada oo iibineysa ama iibsaneysa hub sharcidarro ah.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: